DUMARKU IYAGAAN IS INDHO BUUXIN

DUMARKU IYAGAAN IS INDHO BUUXIN

Uncategorized 2021-07-04 72

Bil ka hor ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Minneapolis aniga oo u socda gobolka kaalifoorniya (California) diyaarada nuuceedu waxa uu ahaa nuuca loo yaqaan boowin 737 en jii ( Boeing 737ng).waxa I ag fadhiyay dad wada socda oo rag iyo dumar iskugu jira. Cabaar ka dib markii ay diyaaradii kacday ee ay qabsatay dhabadii iyo joogii sare ee loogu talo galay in ay ku duusho ( cruising altitude) ayaa waxa makarafoonka ka hadashay duuliyihii diyaarada. Waxay tidhi waxay ahay kabtanka diyaarada  duulimaadkani xiise gaar ah buu ii leeyahy ayay tidhi aniga iyo duuliyaha diiyaarada ila wada iyo dhamaan shaqaalaha kale ee ka dhex shaqaynayaba dhamaantood waa wada dumar ayay tidhi ( all female crew) soo dhawaada waad mahadsantihiin ayay hadalkeedii ku soo gaba gabysay. Kadib sacab iyo sawaxan ayay isku dareen rakaabkii diyaaradu. 

 

Gabadh fadhiday kursiga iga horeeya ayaa dhinacayaga soo jaleecday iyadoo la hadlaysa laba Nin oo I ag fadhiyay waxay tidhi waxa fiicnaan lahayd in ay gabadhas kabtanka ahi ay iska aamusto oo ayna noo sheeginba in ay gabdho kaliya diyaarada wadaan waayo hada durba wal-wal baa igu bilaabmay bal kawaran haday wax dhacaan siday u xalinayaan dumarkaasi ayay tidhi.

Markiiba doodii way balaadhatay oo waa lagawada qayb qaatay intii fadhiday kuraasida isku dhaw ee maqalku gaadhayo. Waxa layaab lahaa dumarkii doodaas ka qayb qaatay oo dhani kalsooni daro iyo walwal ayay ka muujiyeen gabdhahaa diyaarada wada xataa waxay su’aal galiyeen xirfada duuliyeyaashaa dumarka ah. Halka ragii oo dhani ay la dhacsanaayeen oo ay xiiseenayeen qaar kood ay yidhaahdeen waa dulimaad taariikhi noo ah.

 

Waxan xasuustaa markii haweenaydii la odhan jiray hilari kilinton ay isu sharaxday madaxtimada maraykanka dadkii ugu badnaa ee ka soo horjeeday ee sida xun u dhaliilayay waxay ahayeen dumar.

Maanta dumarka somaliland waxay ka calaacalayaan in doorashadii ayna wax gabadhi ku soo bixin. Hada garoo dadka codaynaya iyagaa igu badan oo ah aqlabiyad buuxda.

Waxan ku soo gaba gabynayaa dumarku iyagaan dhexdooda is aaminsanyna oo aan isu kalsoonayn.

w/q awale dayr

Leave your comment