AAWAY SAMADII?

AAWAY SAMADII?

Uncategorized 2022-08-27 180

Aaway samadii?

Maalmahan waxa internerka qabsaday sawiro uu soo diray tiliskoobka la yidhaa James Webb ee hawada sare loo diray sanadkii hore. Sawiradaasi oo ahaa kuwo cajiib ah oo Muujinaya sida uu koonkani uu u balaadhanyahay. Waxa uu soo sawiray xidigo iyo meerayaal inoo jiray boqolaal milyan oo sano.

Hadaba waxan is waydiiyay aaway samadii? Dhamaan bini aadamku waxay isku raacsanyihiin in ay samadu tahay dhisme adag oo inaga sareeya oo inagu daddan isla markaan shucuubta caalamka suugaantooda way ka buuxdaa in ay samadu tahay mid adag hadii ay soo dunto ay tahay masiibo wayn.

Aqoonyahanka ku xeel dheer cilmiga hawada sare badanaa kama hadlaan arimaha ku saabsan samada ama cirka. Hadiiba ay suurto gal noqotay in la sawiro meerayaal iyo cadceedo inoo jira boqolaal malyuun oo sano maxaa sawirku u qabanwaayay samada?

Samadu miyay ka fogtahay inta tiliskoobku qabtay?

Hadaba quraanka kariimka ah muxuu ka yidhi arntaasi? Quraanku laba siyaabood buu arinkaas uga hadlay oo ta koowaad ay tahay in samadu ay tahay dhisme adag oo inagu daddan bal aayadahan u fiirso.

وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا

Micnaha aayada (waxan dushiina ka dhisnay todoba ad-adag ) kalamada dushiina ayaa muu jinaysa dhawaasho.

وَجَعَلْنَا ٱلسَّمَآءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا

(Samada waxan ka dhignay saqaf(saanqaaf) la ilaaliyay) kalmada saqaf waa la yaqaanaa waa saqafka sare (roof)ee guryaha ku hagoogan. Mar kale aayadani waxay cadaynaysaa in samadu dhowdahay.

Aayad kale ayaa iyana waxay leedahay ( alaah subxaana watcaalaa ayaa samada ka haya dhulka si ayna ugu dhicin.

وَيُمْسِكُ ٱلسَّمَآءَ أَن تَقَعَ عَلَى ٱلْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ

La soco qaybta 2aad.

 

awale dayr

 

Leave your comment