WATCH OUR LATEST NEWS

TIKTOK OO LA XIDHAYO

Uncategorized 2024-03-16 17

Aqalka wakiilada maraykanka ayaa u codeeyay in la mamnuuco tiktoga. Mamnuucidani shuruud ayaa ku xidhan. Mudo lix bilood ah ayaa loo qaybtay mulkiilayaasha shirkada tiktook in ay shikadaasi iibiyaan oo ay dad kale ka gadaan.    awale dayr 

AAWAY SAMADII?

Uncategorized 2022-08-27 190

Aaway samadii? Maalmahan waxa internerka qabsaday sawiro uu soo diray tiliskoobka la yidhaa James Webb ee hawada sare loo diray sanadkii hore. Sawiradaasi oo ahaa kuwo cajiib ah oo Muujinaya sida uu koonkani uu u balaadhanyahay. Waxa uu soo sawiray xidigo iyo meerayaal inoo jiray boqolaal milyan oo sano. Hadaba waxan is waydiiyay aaway samadii? Dhamaan bini aadamku waxay isku raacsanyihiin in ay samadu tahay dhisme adag oo inaga sareeya oo inagu daddan isla markaan shucuubta caalamka suugaantooda way ka buuxdaa in ay samadu tahay mid adag hadii ay soo dunto ay tahay masiibo wayn. Aqoonyahanka ku xeel dheer cilmiga hawada sare badanaa kama hadlaan arimaha ku saabsan samada ama cirka. Hadiiba ay suurto gal noqotay in la sawiro meerayaal iyo cadceedo inoo jira boqolaal malyuun oo sano maxaa sawirku u qabanwaayay samada? Samadu miyay ka fogtahay inta tiliskoobku qabtay? Hadaba quraanka kariimka ah muxuu ka yidhi arntaasi? Quraanku laba siyaabood buu arinkaas uga hadlay oo ta koowaad ay tahay in samadu ay tahay dhisme adag oo inagu daddan bal aayadahan u fiirso. وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا Micnaha aayada (waxan dushiina ka dhisnay todoba ad-adag ) kalamada dushiina ayaa muu jinaysa dhawaasho. وَجَعَلْنَا ٱلسَّمَآءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا (Samada waxan ka dhignay saqaf(saanqaaf) la ilaaliyay) kalmada saqaf waa la yaqaanaa waa saqafka sare (roof)ee guryaha ku hagoogan. Mar kale aayadani waxay cadaynaysaa in samadu dhowdahay. Aayad kale ayaa iyana waxay leedahay ( alaah subxaana watcaalaa ayaa samada ka haya dhulka si ayna ugu dhicin. وَيُمْسِكُ ٱلسَّمَآءَ أَن تَقَعَ عَلَى ٱلْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ La soco qaybta 2aad.   awale dayr  

ciidamo ka tirsan FBI-da ayaa galay guriga madaxwaynihii hore maraykanka donald trump oo ku yaala duleedka magaalada MIAMI ee gobolka florida.

Uncategorized 2022-08-27 30

ciidamo ka tirsan FBI-da ayaa galay guriga madaxwaynihii hore maraykanka donald trump oo ku yaala duleedka magaalada MIAMI ee gobolka florida. Donald trump ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay ciidamo gurigiisa u daateen xili uu ka maqnaa guriga waxana uu sheegay in ay ciidamadu ay baadheen guriga oo ay xataa jabsadeen khasnadihiisa iyagoo la baxay faylal farabadan. sababta guriga loo baadhay ayaa lagu sheegay in aya ciidamadu baadi goobayeen faylal ay ku jiraan sir qaran oo ay ahayd in uu wareejiyo makii uu xilka ka dagayay haseyeeshee uu guriga u soo qaatay.  marar badan ayaa hayada kaydka qaranku ay Donald trump ka codsatay in faylashaas iyo waraaqahaasi ay yihiin hanti dawladeed islmarkaana uu soo celiyo si loo dhigo xarunta kaydka qaranka. codsigaasi oo sida la sheegay uu madaxwayne trump uu dhagaha ka furaystay. waa markii ugu horaysay ee madaxwayne hore gurigiisa ay ciidamo baadhaan. by awale dayr

KOOXDA AC MILAN OO RAJO KA QABTA HANASHADA HORYAALKA TALYAANIGA

Uncategorized 2022-05-02 57

Kooxda ac milan ee wadanka talyaaniga ayaa qarka u saaran in ay ku guulaysato horyaalka talyaaniga ka dib markii ay todobadkani ka badisay kooxda fiorentina.  kooxda ac milan 3 ciyaarood oo kaliya ayaa u hadhay waxayn horyaalka ku hogaaminaysaa labo dhibcood oo ay ka sarayso kooxda ay isku magaalada yihiin ee inter milan.

CIID WANAAGSAN

Uncategorized 2022-05-02 15

MAAMULKA TV-GA STN AYAA HAMBALYO U DIRAY DHAMAAN UMADA MUSLIMKA AH MEELKASTA OO AY JOOGAAN WAXAN LEENAHY CIID WANAAGSAN

ciyaarah olimbikada iyo minnesota

Uncategorized 2021-08-26 468

Gabdhaha reer Minnesota oo guulo ka soo hooyay tartanka olimbikada ee ka socda dalka jabaan. Gabadha la yidhaa suni lee ayaa bilad dahab ah ku guulaysatay halka gabadha kale ee la yidhaa regan smith ay ku guulaysatay bilada qalinka.   Awale dayr

DUMARKU IYAGAAN IS INDHO BUUXIN

Uncategorized 2021-07-04 72

Bil ka hor ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Minneapolis aniga oo u socda gobolka kaalifoorniya (California) diyaarada nuuceedu waxa uu ahaa nuuca loo yaqaan boowin 737 en jii ( Boeing 737ng).waxa I ag fadhiyay dad wada socda oo rag iyo dumar iskugu jira. Cabaar ka dib markii ay diyaaradii kacday ee ay qabsatay dhabadii iyo joogii sare ee loogu talo galay in ay ku duusho ( cruising altitude) ayaa waxa makarafoonka ka hadashay duuliyihii diyaarada. Waxay tidhi waxay ahay kabtanka diyaarada  duulimaadkani xiise gaar ah buu ii leeyahy ayay tidhi aniga iyo duuliyaha diiyaarada ila wada iyo dhamaan shaqaalaha kale ee ka dhex shaqaynayaba dhamaantood waa wada dumar ayay tidhi ( all female crew) soo dhawaada waad mahadsantihiin ayay hadalkeedii ku soo gaba gabysay. Kadib sacab iyo sawaxan ayay isku dareen rakaabkii diyaaradu.    Gabadh fadhiday kursiga iga horeeya ayaa dhinacayaga soo jaleecday iyadoo la hadlaysa laba Nin oo I ag fadhiyay waxay tidhi waxa fiicnaan lahayd in ay gabadhas kabtanka ahi ay iska aamusto oo ayna noo sheeginba in ay gabdho kaliya diyaarada wadaan waayo hada durba wal-wal baa igu bilaabmay bal kawaran haday wax dhacaan siday u xalinayaan dumarkaasi ayay tidhi. Markiiba doodii way balaadhatay oo waa lagawada qayb qaatay intii fadhiday kuraasida isku dhaw ee maqalku gaadhayo. Waxa layaab lahaa dumarkii doodaas ka qayb qaatay oo dhani kalsooni daro iyo walwal ayay ka muujiyeen gabdhahaa diyaarada wada xataa waxay su’aal galiyeen xirfada duuliyeyaashaa dumarka ah. Halka ragii oo dhani ay la dhacsanaayeen oo ay xiiseenayeen qaar kood ay yidhaahdeen waa dulimaad taariikhi noo ah.   Waxan xasuustaa markii haweenaydii la odhan jiray hilari kilinton ay isu sharaxday madaxtimada maraykanka dadkii ugu badnaa ee ka soo horjeeday ee sida xun u dhaliilayay waxay ahayeen dumar. Maanta dumarka somaliland waxay ka calaacalayaan in doorashadii ayna wax gabadhi ku soo bixin. Hada garoo dadka codaynaya iyagaa igu badan oo ah aqlabiyad buuxda. Waxan ku soo gaba gabynayaa dumarku iyagaan dhexdooda is aaminsanyna oo aan isu kalsoonayn. w/q awale dayr

TIKTOK OO LA XIDHAYO

TIKTOK OO LA XIDHAYO

Uncategorized 2024-03-16 17

Aqalka wakiilada maraykanka ayaa u codeeyay in la mamnuuco tiktoga. Mamnuucidani shuruud ayaa ku xidhan. Mudo lix bilood ah ayaa loo qaybtay mulkiilayaasha shirkada tiktook in ay shikadaasi iibiyaan oo ay dad kale ka gadaan.    awale dayr 

AAWAY SAMADII?

AAWAY SAMADII?

Uncategorized 2022-08-27 190

Aaway samadii? Maalmahan waxa internerka qabsaday sawiro uu soo diray tiliskoobka la yidhaa James Webb ee hawada sare loo diray sanadkii hore. Sawiradaasi oo ahaa kuwo cajiib ah oo Muujinaya sida uu koonkani uu u balaadhanyahay. Waxa uu soo sawiray xidigo iyo meerayaal inoo jiray boqolaal milyan oo sano. Hadaba waxan is waydiiyay aaway samadii? Dhamaan bini aadamku waxay isku raacsanyihiin in ay

ciidamo ka tirsan FBI-da ayaa galay guriga madaxwaynihii hore maraykanka donald trump oo ku yaala duleedka magaalada MIAMI ee gobolka florida.

ciidamo ka tirsan FBI-da ayaa galay guriga madaxwaynihii hore maraykanka donald trump oo ku yaala duleedka magaalada MIAMI ee gobolka florida.

Uncategorized 2022-08-27 30

ciidamo ka tirsan FBI-da ayaa galay guriga madaxwaynihii hore maraykanka donald trump oo ku yaala duleedka magaalada MIAMI ee gobolka florida. Donald trump ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay ciidamo gurigiisa u daateen xili uu ka maqnaa guriga waxana uu sheegay in ay ciidamadu ay baadheen guriga oo ay xataa jabsadeen khasnadihiisa iyagoo la baxay faylal farabadan. sababta guriga loo baadhay ayaa

KOOXDA AC MILAN OO RAJO KA QABTA HANASHADA HORYAALKA TALYAANIGA

KOOXDA AC MILAN OO RAJO KA QABTA HANASHADA HORYAALKA TALYAANIGA

Uncategorized 2022-05-02 57

Kooxda ac milan ee wadanka talyaaniga ayaa qarka u saaran in ay ku guulaysato horyaalka talyaaniga ka dib markii ay todobadkani ka badisay kooxda fiorentina.  kooxda ac milan 3 ciyaarood oo kaliya ayaa u hadhay waxayn horyaalka ku hogaaminaysaa labo dhibcood oo ay ka sarayso kooxda ay isku magaalada yihiin ee inter milan.

CIID WANAAGSAN

CIID WANAAGSAN

Uncategorized 2022-05-02 15

MAAMULKA TV-GA STN AYAA HAMBALYO U DIRAY DHAMAAN UMADA MUSLIMKA AH MEELKASTA OO AY JOOGAAN WAXAN LEENAHY CIID WANAAGSAN

ciyaarah olimbikada iyo minnesota

ciyaarah olimbikada iyo minnesota

Uncategorized 2021-08-26 468

Gabdhaha reer Minnesota oo guulo ka soo hooyay tartanka olimbikada ee ka socda dalka jabaan. Gabadha la yidhaa suni lee ayaa bilad dahab ah ku guulaysatay halka gabadha kale ee la yidhaa regan smith ay ku guulaysatay bilada qalinka.   Awale dayr

DUMARKU IYAGAAN IS INDHO BUUXIN

DUMARKU IYAGAAN IS INDHO BUUXIN

Uncategorized 2021-07-04 72

Bil ka hor ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Minneapolis aniga oo u socda gobolka kaalifoorniya (California) diyaarada nuuceedu waxa uu ahaa nuuca loo yaqaan boowin 737 en jii ( Boeing 737ng).waxa I ag fadhiyay dad wada socda oo rag iyo dumar iskugu jira. Cabaar ka dib markii ay diyaaradii kacday ee ay qabsatay dhabadii iyo joogii sare ee loogu talo galay in ay ku duusho ( cruising altitude) a

FOLLOW MORE OUR SOCIAL MEDIA

ABOUT US

STN is Somali Television Network serving on-air, online in the Somali Community. Somali Television Network plays a vital role in the cultural and educational enrichment of Somali viewers to build and strengthen local communities viewers and diverse communities. Somali Television Network is committed to acquiring and producing meaningful content across all media platforms to inform educate and engage its audience.

SERVICES

STN is Somali Television Network serving on air, online in the Somali Community. Somali Television Network plays a vital role in the cultural and educational enrichment of Somali viewers to build and strengthen local communities viewers and diverse communities. Somali Television Network is committed to acquiring and producing meaningful content across all media platforms to inform educate and engage its audience.

WE ARE YOUR TRUSTED SOMALI NEWS SERVICE

EMAIL: info@somalitvnetwork.com

YOUR TRUSTED TEAM

Abdisatar Ahmed

CEO and Founder of STN

Awale Abdilahi

Managing Director

Hussein Ahmed

Managing Director

Get The Latest Update On:

 

NEWS VIDEO'S

 

ARTICLES

 

POLITICS

 

SPORTS